Xulka Gubada Cagta Gabdhaha Ingiriiska oo soo bandigay ciyaar cajiib ah

Xulka Gabdhaha Ingiriiska ayaa caawo dhigay taarikh cajib ah  kadib markii ay 2:1 kaga badiyeen dhigooda Jarmalka finalka koobka haweenka Yurub.

Chloe Kelly ayaa  daqiiqadii 110-aad dhalisay goolka guusha u horseeday England oo ah guushii ugu horaysay ee heer caalami ah tan iyo markii ay kooxda ragga ahi ku guulaysteen koobkii Aduunka 1966kii.

Guusha ayaa timid waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta finalka Euro 2022 oo ka dhacday garoonka Wembley Stadium.

 

Kelly, oo bedel ku soo gashay, ayaa kubbad dabacsan ka soo laaday koono. Waxay sugtay xaqiijinta goolka ka hor inta aysan iska bixin shaadhka waxaana xigay in saaxiibadeeda ay kor u qaadeen farxad aawadeed.

Maalin taariikh weyn ku leh kubadda cagta Ingariiska. Ella Toone ayaa mar sii horeysay ka soo kacday kursiga keydka si ay u dhaliso goolkii furitaanka ee waqtigii caadiga ahaa balse  Lina Magull ayaa Jarmalka u soo  barbareysay daqiiqadii 79aad.

Waxaa la arkayay muqaal farxadeed oo ka muuqday tarabuunka iyo qiiro ay muujinayaan ciyaartoyda garoonka ku jiray.

Xulalka Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa aad u xafiiltama. England waxa ay samaysay wax aanay wadan kale hore u samayn – waxa ay garaacday Germany oo ku guulaystay Siddeed jeer finalka koobka haweenka Yurub dareenkuna waxa uu ahaa mid xamaasad leh. Waxay ku soo beegantay 56 sano ka dib markii wiilasha England ay garaaceen West Germany finalkii Koobka Adduunka 1966, waana koobkii kaliya ee hore ee ugu weynaa Ingiriiska.