Xukuumadda oo war-murtiyeed kasoo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay 12-15 bishan magaalda Laascaanood ee xarunta SSC Khaatumo.

War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay in safarku uu ujeeddadiisu ahaa xoojinta nabadda, midnimada iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed.