Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta Hindise-Sharciyeedkan, oo muhiim u ah ilaalinta, horumarinta iyo Jiilasha dambe u gudbinta Dhaqanka, iyo farshaxanka Soomaaliyeed.
Hindise-Sharciyeedkaan oo ah kii ugu horeeyay, wuxuu Saldhig Sharciyeed u noqonayaa horumarinta Dhaqanka iyo farshaxanka Dalka, ilaalinta Dhaxalka Qaranka, dhiirrigelinta Hal-abuurka iyo Suugaanta, iyo xoojinta kaalinta Dhaqanku ku leeyahay Nabadda, wadajirka Bulshada iyo aqoonsiga Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed.

