Xukuumadda FS oo Nus Milyan doollar ugu deeqday ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay Liido ka geysatay khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa $ 500,000 ugu deeqay ehelada dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ay dhowaan khawaarijtu ka geysatay Xeebta Liido, kadib kulan deg-deg ah oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho.

Golaha ayaa ku dhawaaqay in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo ehelada dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.