Xukunka Koox isku Xiran oo Muqdisho iyo Daafaheeda Dilal & Arbushaad ka Gaysan jirtay

Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa mar kale xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay ka wada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidka loo yaqaan Jid mareexaan ee Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyaddeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan,halka kuwa kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, Ood-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiisaskan, Tobban iyo Todobadii Decmber Sanadii 2022 iyo Kowdii bishii July Sanadii 2023.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayaa codsaday Racfaan iyo in la mideeyo kiisaska maadaama ay Maxakamda Darajada koowaad laba mar ay u fadhiisatay.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen Xafiiska Xeer ilaalinta 24 December sanadkii tagay , Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo 2. Maxamed Daahir Abuukar (Ismaaciil) oo ahaa horjoogaha kooxdan ayaa isna laamaha amniga u soo gacan galay Feberuary 8dii 2023 ayey Maxkamada Sare ee Ciidamada ku xukuntay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadkii 2022 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkii 2023 .

3. Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkii 2023, waxaana xukunsanaha dhaawac dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

4. Caddow Axmed Calasow ayaa isna lagu xukumay 4 sano oo Xabsi ciidan ah.

5. Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa isagana lagu xukumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka.

6.Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumau 5 Sano oo xabsi Ciidan ah.

7. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

8. Saynab Ibraahim Aadan Xuseen ayaa laamaha Aniga u soo gacan gashay January 13dii 2023 waxayna ahyd keed hayaha Hubka kooxdaan waxa ayana Maxkamadda Sare ku xukuntay 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunka ayaa waxa ku dhawaaqay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.