Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Juun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka.
Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidaas warbaahinta u sheegay.