Labo nin oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Saraakiisha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad ee Gorgor ay ku soo bandhigeen.
Cabdicasiis Maxamed Kuus oo Khawaarijta u ahaa waxa ay ugu yeeraan Madaxii Katiibada iyo Cabdixakiin Abuukar Sheekh Axmed ayaa lagu kala magacaabaa Xubnaha isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, waxaana halkaas si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Taliyaha Ururka 203-aad ee Guutada 20-aad Dhamme Sayidnuur Daahir iyo Saraakiisha kale ee Ururka.
Xubnahaan ayaa sheegay in dagaallo badan ay ka qeyb galeen, isla markaana ay u adkeysa waayeen xaaladda ay ku jirto Khawaarijtu, taas oo ku kaliftay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Qaranka, waxayna Dhagarqabayaasha Duurka ku jira ugu baaqeen inay isku soo dhiibaan Dowladda.

