Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.
Dhammaan isa soo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay si gaar ah uga tirsanaayeen kooxaha ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadaha, waxaana ku adkaatay nolosha adag ee cadowga duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka.