Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Garoowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamanaaka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ka dhici doonta Puntland.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa mar walba diyaar u ah ka garnaqidda khilaafaadka doorashada dadban ee golaha shacabka.