Xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo u safray Garoowe

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Garoowe ee caasimada  Dowlad goboleedka Puntland.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamanaaka Jamhuuriyadda Soomaaliya  ee ka dhici doonta Puntland.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa mar walba diyaar u ah ka garnaqidda khilaafaadka doorashada dadban ee golaha shacabka.