Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kormeeray goobaha cod-bixinta loo diyaariyay

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorasooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray gonna loo diyaari yay in lagu qabto diiwaangelinta cod-bixiyaasha.

Yuusuf Abduqaadir Mohamed iyo Mohamed Abdirahmaan oo kamid ah Gudiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa ujeedka kormeeekooda ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda goobaha loo diyaariyay codbixiyaasha deegaannada Koonfur Galbeed iyo Shaqada ka socota.

Madaxa Xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee Koonfur Galbeed Cali Muse Maracade, Agaasimaha saadka xafiiska guddiga Doorashooyinka KG iyo Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Baydhabo ayaa Kormeerka ku wehlinayey Xubanaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka.