Xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare oo shir kaga qeyb galay Antalya ee Dalka Turkiga

Sanatar Samsam Daahir Maxamuud iyo Sanatar Saciid Cabdi Xuseen Cawke oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay Kulanka Baarlamaannada Adduunka ee Ururka IPU, kaas oo qeyb ka ah Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada COP31, laguna qabtay magaalada Antalya ee dalka Türkiye.

Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka Qaranka ee Türkiye, ayaa waxaa isugu yimid xildhibaanno ka kala socda dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka arrinsanaya doorka baarlamaannada ee la-dagaallanka isbeddelka cimilada, xoojinta tallaabooyinka wax looga qabanayo saameyntiisa iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta doorka baarlamaannada ee dejinta sharciyada, kormeerka siyaasadaha iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, laguna wajahayo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.