Xubno ka socday hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka kala socdasy Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka, ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirrada Dastuurka iyo Kaluumysiga Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaarada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdigaasi oo ka koobnaa dhowr xubnood.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro latashiyo lala yeelanaayo bulshada,kaas oo ku saabsan diyaarinta Wax-kabaddalka Cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka.