Xubnaha qaban qaabada doorashada madaxweynaha oo la magacaabay

Kulan ay goor dhow yeesheen Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe, ayaa lagu macaabay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa doorashada xubnaha guddiga isku dhafka ah labada Aqal ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay sideed ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 10-xubnood kuwaasoo kala ah:

1 Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
2 Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
3 Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar
4 Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey

5 Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu

6 Xildhibaan Maxamed Caananuug
7 Xildhibaan Cumar yuusuf
8 Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaana sheegay in xubnaha dhiman la soo dhameestiridoono saacadaha soo aadan.