Xubin katirsan Argagixisad Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigeen Xubin katirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo ay sheegeen in  uu isku soo dhiibay ciidamad xoogga dalka ee sugan deganadaasi

Maxamed Maxamuud Fanax  ayaa ka howlgeli jiray Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana muddo 5  sano ah uu la Shaqeeynayay Maleeshiyada Al-Shabaab, una qaabil sanaa jabhada

Maxamed Maxamuud Fanax oo si kooban ula hadalay Warbaahinta ayaa sababaha uu uga soo baxay argagixisada waxaa uu ku sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed islamarkan uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo Ciidmada xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahan Taliska qeybta 60-aad si wangsan koonfur Galbeed,islamarakan si wanaagsan loola dhaqmay.

Sarajiisha Qeybta 60 –aad aya si wanagsan u soo dhaweyay ninkani katirsana kooxaha argagixisada iyagoona xubnaha kale ee wali ku jira argagixsada ugu baaqay in ay isku soo dhibaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islmarakan si gacma fuarn lo soo dhaweyn doono.