Ibraahim Nuur oo magaciisa afgarashadu yahay (Farxaan) kana tirsanaa kooxda argagixisada ayaa isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Farxaan ayaa laamaha amniga ku wareejiyay qori iyo booshkiisa, kuwaas oo uu kala soo goostay kooxda argagixisada.
Isa-soo dhiibidda Ibraahim Nuur ayaa keentay in uu u adkeysan waayo dhibaatada iyo gaajada duurka ku heysa Khawaarijta kuwaas oo ka dhuumanaya baacsiga Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.
Saraakiisha amniga degmada Afmadow ayaa sheegay in is-dhiibidda Farxaan ay tahay tallaabo wanaagsan oo caddeyn u ah burburka iyo kala shaki soo food saaray kooxda Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in ciddii isku soo dhiibta dowladda si nabad ah loo soo dhoweyn doono, lana siin doono fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.