Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay dowladda

Maslax Maxamed Aadan oo magaca afgarashadiisu yahay Yoonis , 26 jir ku dhashay Buur-xakaba ayaa isku so dhiibay Ciidanka deegaanka ee sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Maslax ayaa Khawaarijta ka tirsanaa laba lano iyo bar si gaar ah waxa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadda, waxa uuna uga biiray degmada Buur-xakaba ee Gobolka Baay.

Maslax ayaa muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanayay deegaanka Baraag hurdaaye oo Xarardhere u jira 25KM.