Xubin ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii ay ciidanku kordhiyeen howlgallada.

Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inuu u adkeysan waayay nolosha adag ee maleeshiyaadka Khawaarijta ay wajahayaan iyo gulufka xooggan ee kaga imanaya Ciidamada XDS.

Waxaa dhawaanahan isa soo tarayay xubnaha ka tirsan kooxaha Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidamada dowladda, markii ay waayeen goob ay kaga baxsadaan weerarrada aan hakadka lahayn ee kaga imanaya CXD, dadka deegaanka iyo saaxiibbada Caalamka.