Xuddur- Maxamed Xasan Nuur oo katirsana Ururka argigixisada Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee Ku sugan degmada Xuddur ee xaruunta gobolka Bakool.
Maxamed Xasan ayaa argigixsada kamid ahaa muddo labo sano ah, asagoo ka qeybqaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.
Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka nabadsugiddu si wanaagsan usoo dhoweyeen, wuxuuna dhallinyarada ay argigixisadu qaladday ugu baaqay inay isu soo dhiibaan Ciidanka Qaranka, maaddaama uu dalka ka billowday howlgallo lagu citibtiraayo argigixisada.