Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibtay Ciidanka Xoogga

Mohamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta, ayaa si rasmi ah isku soo dhiibay ciidamada Guutada 23-aad, gaar ahaan Ururka 231-aad ee fadhigoodu yahay deegaanka Darmoole, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isdhiibiddan ayaa dhacday kadib markii uu sheegay in uu aad u dhibsaday ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta iyo sida ay u beegsadaan dadka rayidka ah, culimada iyo maamulka deegaanka. Wuxuuna sidoo kale tilmaamay in uu muddo badan la socday ficillo guracan oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, taas oo ku kaliftay in uu ka fakaro sida uu uga baxsan karo kooxdaasi.

Saraakiisha Ururka 231-aad ayaa si nabad ah u soo dhaweeyay, iyagoo muujiyay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay fursad siiyaan cid kasta oo kasoo go’da fikirka gurracan ee Khawaarijta. Mohamed ayaa la wareystay, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan saldhigyada, dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha kooxda uu ka tirsanaa.

Taliska Guutada 23-aad ayaa sheegay in isdhiibista Mohamed ay muujinayso burburka iyo kala shakiga ka dhex jira maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana ay dhiiragelin doonto kuwo kale oo weli ku dhex milan kooxda in ay isaga soo baxaan, iskuna soo dhiibaan ciidamada dowladda.