Xubin ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Gaalkacyo- Cabdullaahi Cali Xuseen (Cali qoodaar) oo ah wiil da’yar oo ay kooxda argagixisada ah ee Al- shabaab xoog kaga soo Askareeyeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee uu fadhigoodu yahay degaanka Dheghaye.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan horjoogayaal kala duwan oo lasoo xariiraya, kuwaas oo doonaya inay mar uun kasoo baxaan Malleeshiyada ay ka barbar dagaallamaan ee argagixisada Al-shabaab.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay jabka iyo firxadka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab, markii ay dagaallo xooggan kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta maamul goboleedyada iyo dadka shacabka ah.