Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qaabilay Sii hayaha Safaaradda Shiinaha

Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda , Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya , Mudane Wendi Chen.

Xoghayaha Joogtada iyo Siihayaha Safaaradda Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda.

Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa uga mahadceliyay dowladda China taageeradeeda fagaarayaasha caalamiga ah, isagoo la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in laga qaado cunaqabataynta hubka, maadaama ay caqabad ku tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sii hayaha Safaaradda Shiinaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika ugu fadhiyaan Jamhuuriyadda dadka Shiinaha, isagoo caddeeyay inay xoojinayaan Iskaashiga kala dhexeeya.