Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare Ciidamada Heeganka Afrikada Bari

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, kaas magaalada Muqdisho ka socon doona inta u dhexeysa 13 ilaa 18-ka bishan December.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in muddada uu socdo shirkan diiradda lagu saari doono horumarinta awoodda Ciidamada Heeganka Afrikada Bari, ka doodista qorshayaasha howleed ee sanadaha 2025–2026, miisaaniyadda EASF, warbixinada xisaab-xirka, iyo warbixinada guddiyada u xilsaaran qiimeynta saameynta colaadaha ka jira dalalka gobolka.

Sidoo kale, maalmaha soo socda waxaa kulamo yeelan doona Taliyeyaasha Ciidamada dalalka ku bahoobay EASF, kuwaasoo uu xigi doono shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalkan

Soomaaliya ayaa martigelineysa sannadkan markii labaad shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), taasoo mar kale muujinaysa kaalinta muuqata ee DowladdaSoomaaliya ka qaadanayso xoojinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga difaaca ee dalalka gobolka Afrikada Bari.