Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminayay wafdi ka socda Wasaaradda, ayaa Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ku soo gabagabeeyey kulamo shaqo oo muhiim ah.

Kulamadan ayaa waxaa uu la yeeshay madaxda sare ee Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo sidoo kale Madaxda Shirkadaha waaweyn ee dhinaca difaaca.

Wafdiga la socday Xoghayaha Joogtada ah ayaa isugu jiray Agaasimayaal Guud, Agaasimayaal Waaxeedyo, Madax-Qaybeedyo, La-Taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda, iyo Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda  Soomaaliya ee Turkiga.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Iskaashiga iyo xiriirka dhinaca difaaca ee u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.