Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa Maanta la kulmay Marwo Prestage Murima, Ku-Xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, waxaana kulanka sidoo kale dhanka qadka Taleefoonka uga qayb galay La-taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya mudane Yaxye Cali Xareeri.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga dhinacyada Maamulka Socdaalka, isku-duwidda hay’adaha dowladda, iyo horumarinta socdaal ammaan ah, nidaamsan, isla markaana waafaqsan Shuruucda, iyadoo la raacayo mudnaanta Qaran ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiso wada shaqeynta ay la leedahay Saaxiibbada Caalamiga ah, iyadoo ilaalinaysa Madaxbannaanida Dalka, danaha Qaranka, iyo waajibaadka Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wadatashiyada Farsamo si loo adkeeyo Maamulka Socdaalka iyo Iskaashiga Labada dhinac.
