Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqanaaya dalal ay Kenya ku jirto

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa lagu wada inuu booqdo dhowr dal oo Afrikaan ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Blinken booqan doono dalalka kala ah Kenya, Nigeria iyo Senegal.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ujeedka booqashaadaan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa madaxda  dalalkaas kala hadli doona soo afjaridda Karoona fayras, isbedelka cimiladda iyo arrimaha nabadda iyo dimuquraadiyadeynta Afrika.