Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle(Jaabiri),ayaa ka qeyb galay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay wadanka Aljeeriya.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta iyo horu marinta Baarlamaanada islaamka, Xoghayaha Guud waxaa halkaasi kusoo dhawayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Aljeeriya Mudane Cabdulwahab Macalin Maxamed,kaa oo xoghayaha kala kala qeybgalay Shirka Xoghayayaasha baarlamaanada dalalka Islaamka.

kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday dhinacyadu waxa ay ka wada hadleeyn sidii ay u wada shaqeyn lahayeen xoghayaasha Baarlamaanada Islaamka.