Xisbiga haya talada Kuuriyada Koonfureed oo ku guuleystay inta badan kuraasta doorashadii deegaanka

Xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleystay inta badan kuraasta doorashadii deegaanka ee ka dhacday Dalka,kuraasta uu ku guulaystay ayaa waxa ka mid ah kursiga duqa muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Soul.

Xisbiga Awoodda Dadweynaha (PPP) ayaa 12 ka mid ah 17 ka mid ah kuraasta duqa magaalada iyo guddoomiyeyaasha gobollada helay halka mucaaradka ugu weyn ee Dimuqraadiga (DP) uu ku guuleystay shan tartan oo muhiim ah, oo uu ku jiro guddoomiyaha Gyeonggi, oo ah gobolka uu ku jiro Seoul, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Musharaxii hore ee madaxweynaha DP Lee Jae-myung iyo Ahn Cheol-soo oo ka tirsan xisbiga PPP ayaa sidoo kale ku guuleystay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee kuraasta baarlamaanka qaranka.

Intii lagu guda jiray doorashooyinkii deegaanka in ka badan 3,600 oo wakiillo maxalli ah waxaa doortay Kuuriyada Koonfureed, oo ay ku jiraan 17 duq magaalo iyo guddoomiye gobol, 226 madax golaha hoose ah, 779 xubnood oo ka tirsan golayaasha gobollada iyo magaalooyinka waaweyn, iyo 2,602 xubnood oo ah golayaasha deegaanka ee hoose.

Sida laga soo xigtay maamulka doorashada, dadka u soo baxay doorashadii deegaanka ee Arbacadii ayaa ahayd 50.9% iyadoo 22.5 milyan oo ka mid ah 44.3 milyan oo codbixiyeyaal ah ay codkooda dhiibteen.

Doorashadii deegaanka ee 2018, tirada dadka u soo baxay ayaa ahayd 60%.