XISAABI XIL MALEH HADDAAN LA XUMEYNIN (QAYBTII 2-AAD)

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaan kuu dhiibay ii dhiib dhabiil rag ma dhaafto mana ahan wax ceeb ah, laakiin waa xanuun iyo murug badan tahay markii ay hor yimadiin imtixaan iyo xisaabo  hore oo aadan iska fileyn in lagu weydiinayo maalin maalmaha ka mid ah, waana mid loo baahan yahay in dadku xisaabtamaan.

Sidoo kale, Shirkadaha leysku darsado iyo xisaabaha la isku aaminay wax la iska weydiiyo meesha ay wax marayaan si halkaas ay horay uga sii socdaan danahii la isku aaminay ee adduunyada taas oo dadka qaar ay u moodayaan xujo iyo daandaansi laakiin waa dariiqa keliya ee lagu heli karo in dadku is aaminaan.

Hantida way lumeysa  haddii aan  la xisaabtamin oo xisaabta ayaa wax lagu saxaa goortaasna waxaa ka dhasha is aamin faa,iido sii kororta, haddaba ogaada xisaabtanku waxbuu hagaajiyaa.

Eeg isla xisaabtanku waxba ma xumeeyo waxaana ku shaqeysta shirkadaha waa weyn ee dunida iyo dowladaha oo iska ilaalinaya hanti boobka iyo musuqmaasuqa waxayna dhacdaa sannadkiiba halmar, sannadahan kama dhicin dalkeenna xisaabi xilmaleh mana jiro dad loo soo xiray, haddey ahaan lahayd mas,uul sare iyo mid hoose, waayaabe dalkeenan ma caddaaladbaa ma waxaa la waayey dad  hantidii qaranka lunsaday mase dadkii la xasaabtami lahaa ayaa Meesha ka maqan,

mase  waa qaataye qaado ayaa lagu macneyn karaa xaalkeenna?.

Haddaba, dalkeennu wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo isla xisaabtan dhab ah oo sannad iyo bil iyo maalin intaba, waayo dalka markii uu sidaan oo kale uu ka soo kabsanayo burbur iyo dagaallo sokeeye iyo Virusyadii caalamiga ahaa waxaa loo baahan yahay in aan cidna lagu cafin waxay qaadatay oo sharci darro ahaa.

Adduunku weligiisba way ka jireen dad tuuga ah oo booba hantida dalka iyo kuwo daacad ugu shaqeeya.

Haddaba, talo ahaan waxaa haboonaan lahayd in dib loo soo celiyaa barnaamijkii xisaabi xil maleh ee dalka gudahiisa ka dhici jiray sannadkiiba halmar oo dadna lagu amaani jiray dadna lagu ciqaabi jiray.

taasoo sida badan lala xisaabtami jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka oo dhan iyadoo dad badan oo iska fududeysta xoolaha dadweynaha  ku mutesan jireen xabsi iyo ganaax adag, qaar kalana ay heli jireen abaalmarin, dallacaad derejo billado sharafeed iyo shaqo wanaag, sidoo kalena laysku abaal marin jiray  wax qabadka iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho.

Waxaa jiray waqti lagula xisaabtamo qof waliba wixii uu bulshada u qabtay iyo wixii dhib iyo hagardaamo uu geystay dalka iyo dadka waxaana waajib ah in qof waliba in uu dalka xaqiisa ka helo,haddii uu dembi ka galayna lagu ciqaabo, waana isla xisabtanka ugu fiican, waayo markii uu qabiil ku xisaabtami lahaa waxaa ka wanaagsan inuu ku xisaabtamo qarannimo iyo wax qabad derejadana aysan bixin xildhibaanno ay isku beel yahiin iyo odoyaashiisu.

Sideedaba xilalka iyo derajooyinka waa in lagu muteestaa aqoon, shaqo wanaag geesinimo, howlgarnimo, daacadnimo, waayo aragnimo ay waddaniyad ku dheehan tahay.

waxaa habboon in xukuumadahu ay wax ka ogaadaan Hay’adahooda ciddii horumar sameysay iyo kuwa maamul xumada ku sifooba, kuwa la dulmiyay oo xaqdarrada iyo dhibaatada sheeganaya iyo kuwa haloo yeelada ku daaqaya hantida dadweynaha.

waxaa loo baahan yahay in loo dhabba galo xaalkoodu sida ayadoo lala gelayo isla xisaabtan dhab ah waxaa sidoo kale habboon in dib loo soo celiyo isla xisaabtanka sannadkiiba halmar hadiiba aan la heleynin sannadkiiba laba mar

WQ: Abwaan Gabayre