Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Guddiga maamulka doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#226

Musharax xildhibaan, Marwo Maryan  Maxamed Ciise iyo Musharax xildhibaan, Marwo, Khadiija Cali Warsame ayaa ku tartamayay kursigan, waxaana ku guuleysatay Marwo Maryan Maxamed Ciise ka dib markii ay tanaasushay Khadiija Cali Warsame.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise ayaa ku soo baxday cod gacan taag ah,iyadoo heshay 95-cod, 3-qof ayaa ka aamustay.

Sidoo kale, kursiga tirsigiisu yahay HOP#218 oo ay ku tartameen Musharax xildhibaan, Maxamed Elmi Ibraahim iyo  Musharax Xildhibaan, Abdiraxmaan Cismaan Xuseen ayaa waxaa ku guuleystay Dr Maxamed Elmi Ibraahim, isagoo helay 92-cod.