Xildhibaano lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb, ku qabtay doorashada labo kursi oo  tirsigooda uu yahay  HOP#025  iyo HOP#081, ee golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga koowaad waxaa ku soo baxay Mohamed Abukar Cali (Jacfar) ka dib markii uu u tanaasulay Xasan Cali Cismaan oo la tartamayay, wuxuun xildhibaan Jacfar helay 100-cod.

Sidoo kale, Xildhibaan Cadar Cali Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#081, ka dib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabeey oo la tartameysay, waxayna xildhibaan Cadar Cali Maxamed Shalaqbeen heshay 71-cod.