Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladda Beijin dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Shirkadda seyniska iyo tiknolojiyada oo fadhigeedu yahay Beijing.
Xildhibaanadaasi ka socda labada Aqal ayaa halkaasi u jooga tababar aqoon0kororsi ah oo la xiriira cilmi baarisyada,iyagoo madaxda shirkadda ee ay la kulmeen ka dhageystay warbixinno ku saabsan taariikhda horumarka shirkada iyo qalabyada ay soo saaraan .
Madaxda shirkadda aayaa sidoo kale, sharraxaad kooban ka bixisay mashruucyada ay ka fuliyaan wadamo ka mid ah qaarada Afrika oo ay tilmaameen in ay ka saacideen adeegyada zagga isgaarsiinta.
Xildhibaanada ka socda Soo maaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen madaxda sare ee shirkada,iyagoo halkasi ku daawaday wax soo saarka shirkadda ee xaggga isgaarsiinta,sida sameynta taleefanada,computerada,telefishinada iyo qalab kale oo muhiim ah.