Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EAC oo Maanta la dhaarinayo

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka  Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu dhaariyo Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Tallaabadan Taariikhiga ah waxay Guul weyn uga dhigan tahay Xubinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).