Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta akhrinta labaad mariyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay miisaaniyada Qaranka ee 2022.

Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar.

Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeena kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeratay lagu ballamay maalinta berri ah si ay u sii socoto.