Xildhibaannada labada Aqal oo dood kayeeshay maanta markale akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka

Kulanka wadajirka ah ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dhamaystirayo dooda akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka oo maalinkii labaad galay ayay Xildhibaannadu su’aalo waydiinayaan Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa wadajir Guddoonka Golaha Shacabka ku wehliya Guddoominta kulanka Wadajirka ah.