Xildhibaannada labada Aqal ee BFS oo maanta yeelanaya kulan wadajir ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maanta la filayaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka xildhibaanada labada aqal ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Xaruunta KMG ee Villa Hargeeysa, waxaana xildhibanada labada Aqal lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan.

Ajandaha looga hadlayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo ay ka mid yihiin: Doorashada Xubanaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorshada Madxaweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay xildhibaanadu go’aamin doonaan xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha.