Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa

Kulanka Xildhibaannad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho

Ajendaha kulanka ayaa maanta ah ka doodista akhrinta labaad ee ‘hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dabiiciga ah iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.’

Sabtidii  todobaadkaan ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay qaar kamid ah hindise sharciyadeedyada ay ka doodi doonaan, si ay dhawaan u meel mariyaan