Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan Wadajir ah ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, kaas oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka waxaa sidoo kale Goob Joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada aqal.
Kooramka kulanka oo ku furmay 180 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka Tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa Mudanayaasha Labada Aqal loo qeybiyey Warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, Xildhibaannada waxaa la siiyey Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo Jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyey Xildhibaannada labada Aqal in ay si taxaddar leh u akhriyaan soo jeedimaha iyo Warbixinta la socota, si looga doodo Kulamada soo socda.


