USA- Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka.
Xildhibaan Maxamuud Nuur, Xildhibaan Hodan Xasan, Xildhibaan Samakaab Xuseen iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxayna uga mahadceliyeen booqashadiisa iyo dedaallada ay dalka ka waddo dowladda Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa Wasiirka uga warbixiyey horumarrada ay gaareen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka laga soo doortay ee Minnesota, waxaana kulanka Xildhibaannada iyo Wasiirka goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Abuukar Goley.
Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xildhibaanada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo dedaallada ay waddo dowladda Soomaaliya ee dalka ka socda, isagoo mas’uuliyiintaan ka tirsan Soomaalida ku biirtay dowladda Mareykanka ku amaanay dedaalkooda iyo sida ay Soomaalidu ilbax u yihiin oo wax ula qabsadaan shucuubta caalamka.