Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka qaybgalay kalfadhiga 7-aad kulankiisa shanaad. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo uu wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka wuxuu ahaa akhrinta labaad ee xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024. Warbixinta xisaab-xirka ayaa mudanayaasha uga soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Kulanka kadib, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa cabbiray aragtiyadooda ku aaddan warbixinta xisaab-xirka, halka wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo goobta ku sugnaa, ay su’aalo iyo faahfaahin kala hureen.

Ugu dambayntii, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal inay ku daraan doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, ayna soo diyaariyaan akhrinta saddexaad, si mar kale loogu soo celiyo golaha loona marsiiyo akhrinta kama dambaysta ah.