Xildhibaanada Haweenka BFS oo ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska R/Wasaaraha

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb-galay dood-wadaag,uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Raisul Wasaaraha oo ku saabsaneyd dib-u_milicsiga qoondada dumarka ay ku lahaayeen hanaanakii doorasho ee 2022-kii.

Dood wadaagaasi waxaa ka hadlay, Xildhibaanada Haweenka, ee ku jira Baarlamaanka 11aad ee Golaha Shacabka iyagoo aad ugu dheeraaday marxaladihii iyo caqabadihii soo wajahay, intii ay socotay doorashadii dadbaneyd ee Dalka ka dhacday 2022.

Dhanka kale, waxaa ka hadlay, goobta, Gudiyadii FEIT iyo SEIT, ayagoo sheegay Heerarkii kale duwanaa, ay soo martay doorashadii dadbaneyd ,gaar ahaan qoondada haweenka,maadama ay qeyb ka ahayd, heshiiskii 17 September ee ilaalinta qoondada Haweenka 30%.

Qoondada haweenka ee kujira Baarlamaanka 11aad ayaa ominka ah 20% halka Baarlamaanka 10aad ay ahaayeen24%..