Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha, waxaana ogolaatay 146-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirin.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.