Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, waxaana ogolaatay 145-xildhibaan, hal ayaa diiday, lix xildhibaan ayaa ka aamustay.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah marsiinta Akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Socdaalka, dhameystirka dooda warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maareynta deegaanka.

kulanka xilidhibaanada oo wali socda ayay ka doodayaan sharaciyada kale ee horyaala maanta golaha kuwaa la filayo in sidoo kale ay ansixiyaan