Xildhibaan Sanbaloolshe oo ku baaqay in midnimo lagu wajaho kooxaha argagixisada

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay ay xanuunka la qeybsanayaan shacabka Gobalka Hiiraan oo ka soo kabanaaya qarax dhawaan ka dhacay halkaasi oo ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada.

“Cadawgu wuxuu damacsan yahay in uu idin halaago, Sidaa daraadeed,waxaan u baahanahay in aan dhammaanteen xoojino midnimada aan ku wajaheyno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab “ ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe waxa uu ku baaq in dalalka deriska,caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,si ayuu yiri xididada loogu siibo cadawga naflacaariga ah ee Alshabaab.