Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo markale dib loogu doortay golaha shacabka

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa mar kale ku soo baxay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP254 ee Golaha Shacabka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland, kaas oo doorashadiisa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa waxaa la tartamayay musharax Aadan Axmednuur Haybe, wuxuuna ku soo baxay cod gacan taag ah ka dib, markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.