Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaan Cumar Cali Cabdi u doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, kadib codeyn ay sameeyeen xildhibaanada Golaha.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar iyo Xildhibaan Cumar Cali Isaaq, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo helay 92 cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar ay heshay 68 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe