Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada labada Aqal ee BaarlamaankaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2026 ka, taasoo gaareysa $1,386,807,242 (Hal Bilyan, Sedax Boqol i Sideetan iyo lix Malyan, Sideed Boqol iyo Todobo Kun, laba Boqol, Afartan iyo laba Dollar), waxaana ogolaatay 174-Xildhibaan, Afar Xildhibaan ayaa diiday, Hal Xildhibaanna waa ka aamusay.


