Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay Pakistan tan iyo markii Hindiya ay gantaallo ku bartilmaameedsatay xeryo ku yalla  Pakistan iyo deegaanada Kashmir ee ay maamusho Pakistan.

Wasiirka warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uu ku hawlan yahay oo kaliya jawaab difaac ah ,waxaana jira baaq ka imaanaya caalamka oo lagu dalbanayo joojinta colaadaha ka soo cusboonaaday labada dal.

Isku dhacyada ayaa daba socda xiisadda sii kordheysa ,kadib markii 22-kii Abriil  uu dhacay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Kashmiir ee Pahalgam ee ay Hindiya maamusho, kaasoo India ay ku eedeysay Pakistan.

Labada dal ee ku hubeysan hubka Niyuklerka ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaargaroobayo dagaal suurtagal ah in ay ku baxaan nolosha dad badan oo ku nool gobolka Kahmiir ee ay wada maamulaan Indiya iyo Pakistan