Isxulufeysiga ka jira adduunka maanta waa wax iska caadi ah, dunidana raalli ka tahay haddii dal dal ka awood roon uu ku soo duulo, isla markaana uu u qeyshado kuwa saaxiibada la ah waa wax iska Normal ah, iska caabinta iyo isxulufeysiga waxay sida badan cabsi gelisa kuwa duulaanka wada ee gardarrada iyo boobka wata
Marka iyada ah waxaa jira oo dunida caadi ka ah in qolana ku taageerto, qolana kaa aamusto, qolana muujistaan in arrintu ka yihiin dhexdhexaad, halka qolada kalena kuu soo gurmadaan af iyo addinba.
Balse waxaan uga socdaa oo la yaab mudan in dalkii lagu soo duulay gudahiisa qaar ay muujiyaan in ay arrintu dhexdhexaad ka yihiin, kuwa kalena ayba ka aamuseen sidii dowladihii shisheeye oo kale maba u arkaan in iyaga lagu soo duulay, oo waxay garab u muujinayaan in aysan colaad kala dhaxeynin kuwa soo duulay ee dulmiga iyo dhulboobka wata.
Haddaba, taasi maxaan ku tilmaami karnaa ma doqonnimaa, ma cabsibaa, ma dhaqaala raadis iyo weji doonbaa? Taasoo kale weligey intaan noolaa ima soo marin ee taasi wax halaga beddelo
Dhexdhexaadnimadu maahan inaga gudaheenna innaga waxaa nagu waajib ah difaaca dalka oo keliya haddii la soo weeraro deris ha ahaadeen ama kuwa ka xaggeeyaba ha ahaadeen, sidey ku dhacday dalkii oo waa laqaatay la leeyahay in melena laga kaco oo dadka dhiiggu boqol dhaafay melena aan waxba dareen ahba ka jirin, war dalkaaga dhexdhexaad kama noqon kartid baahal shisheeyana uguma garbeyn kartid qaadashadiisa waxaadna ku sifoobeysaa in aad tahay Qaa’inul Waddan, khaa’inul waddankuna jisahiisu waa dil toogasho ah, waxaana jeclaan lahaa in la dabaqo sharcigaan baarlamaankuna ansixiyo
Itoobiya waxay dunida oo dhan u sheegtay in ay bad qaadaneyso xoog iyo xiilo middey ku heshaba, taasoo markii ay qiimeysay xaaladdeeda ishaaradu ugu dhacday badda cas ee soomaaliya ee taariikhiga ah ee Seylac iyo Lughaya. Waxayna har iyo habeen wacad ku mareysaa in ay qaadan doonto iyadoo cuskaneysa heshiiska macmalka ah ee ay la gashay maamulka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa fadhigiisu yahay.
Si kastaba ha ahaatee inaga waxaa noo furan difaac adag iyo feejinaan, siyaasaddu maahan in la calaajiyo maahan in nalaga helo carab laalaadin iyo muujin jiljileec, halka ay ka miisaan maahee meel kale waa inaan ka miisnaa, qofka lagu soo duulay ee aan haddana diyaar ahayn soomaaliya laguma aqoon ee welingeenba waxaan ahayn kuwa wax iska dhiciya,
Soomaaliya weligeed ma fiirin itoobiya xooggeeda hubkeeda iyo bootadeeda, shab ayaa la dhihi jiray waana laga oysiin jiray ilaa ay dhaceen dagaalladii magacayada kala duwan la baxay ee looga yeersiiyay abeyt
Qofka raba macaamilkaada kuguma soo duulo hadda ka dibna waxaan ka digayaa in aan itoobiya lala yeelan wax macaamil ah ee badaheenna ah waayo waraabe wax looma dhiibto, ma rabno inay haatan ka dib tillaabo soo geliyaan dalka soomaaliya baddeenana iib mahan kirana kama rabno waana in dunida loo sheegaay in ay bannaanka cad naga marto inta ay goori goor tahay wax naga dhaxeyn karo ma jiraan waayo iyadaba nama xeerin.
Markii diboloomaasiyaddu heerkaa gaadhana waxaa habboon in xiriirka la jaro ciidammada dalka jooga iyo safaaraddoodaba la eryo sidii xilligii 77-kii safiirka ruushka looga eyay 24 saacna loo qabtay itoobiya maxay tahay bad haddaan kireysaneyno dowladaha lacagta leh ee tixgelinaya shuruucda dunida ayaa la dhaqmeynaa
Waxaa habeen iyo maalin maqalnaa tooqa iyo kibirka u uku hadlayo hoggamiyaha tabarta yar ee itoobiya biyahaan ka jarayaa ciidameydaa ku dhintay iyo waldaadaca uu afka ku hayo war caluul jileeca aad heysaan uma baanin waxaan rabnaa in si adag loogu jawaabo loona cabsi geliyo kuwa damaca gurracan wata ee go’aanka qaatay.
WQ: Osman Dhiblaawe