XEERKA 30-KA DAQIIQO EE MAAMULIDDA WAQTIGA

Mid ka mid ah qaabab ugu fiican ee aad waqtigaaga kaaga faa’idaysan karayso ayaan halkaan kugula wadaagayaa Idan Alle.

Ugu horayn waqtigu waa shayn ahmiyad weyn inoo leh,waxaana cadayn kuugu filan in waydiimaha maalinta qiyaame la is warsan doomo uu ka mid yahay.

Innaga oo og daraja uu waqtigu joogo ayaynu haddane ka faa’idaysanayn waqtigeena,waqtiga aynu hawlaha inna anfacaya qabsano waxaa ka badan waqtiga aynu micna darada ku lumino.

k‌u‌ b‌a‌r‌a‌a‌r‌u‌g‌ a‌r‌i‌n‌t‌a‌a‌s‌.

Intaas ka dib,qormadaan waxaan ku falan qayn doonaa waxtarka 30 daqiiqo (Soddon daqiiqo) ay leedahay haddii hawl aan si maalinle ah ugu qabano.

Haddii aad meelayso 30 saqiiqo oo maalintaada ka mid ah waxaad qaban karaysaa hawlahaan iyo kuwa kale oo badan:

1: 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗝𝘂𝘀 𝗤𝘂𝗿’𝗮𝗮𝗻 𝗮𝗵: haddii aad carrab fududahay waxaa laga yaabaa intas ka yar inaad ku akhrido balse 30 daqiiqo waad ku akhrin kartaa adiga oo aan Qur’aan jajabin.

2: 30 𝗱𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: maado aad 30 daqiiqo ku akhrisay u malayn maayo in aad fahmi mayso,layli cashar qoris iwm waad ku dhamayn kartaa mudadaas kooban.

3: 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗲𝗲𝘅𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: 10 saac haddii aad hurudo iyo haddii aad 30 daqiiqo hududo waa isku mid oo mar uun waad seexatay,muhiim maahan hurdada inaad ka dharagto balse waa inaad maskaxdaada nasido.

4: 𝗪𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮.

5: 𝗛𝗮𝘄𝗹 𝗴𝘂𝗿𝗶 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮.

6: 𝗚𝗮𝗯𝗮𝘆,𝗾𝗼𝗿𝗺𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗯𝗮 𝗶𝘄𝗺 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: anigu qormadaan 30 daqiiqo ayaan ku sameeyay,aadna wixii hibadaada ah waad ku samayn kartaa.

7: 𝗽𝗼𝗱𝗰𝗮𝘀𝘁,𝗠𝘂𝘂𝗾𝗮𝗮𝗹 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗼 𝗹𝗲𝗵,𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗼𝗴𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮.

8:𝗕𝘂𝘂𝗴 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮: maalin kasta haddii aad 30 daqiiqo buug ka akhriso qof banaanka ku dhacay ayaad noqonaysaa.

9: 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗮𝗯𝗼 𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺,𝗯𝗼𝗼𝗾𝗮𝘀𝗵𝗼 IYO 𝘀𝗮𝗮𝘅𝗶𝗶𝗯𝗼 𝗮𝗮𝗱 𝗹𝗮 𝗰𝗮𝘄𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗱𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: intaas oo idil hal mar 30 daqiiqo kuma wada mari kartid balse mid kasta 30 daqiiqo ayaad kaga faa’idaysan kartaa.

10: 𝗦𝗵𝘂𝗸𝗮𝗮𝗻𝘀𝗶 𝘄𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗶 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮: Shukaansi 30 daqiiqo ka badan kaaga baxay wuxuu yahay kolley anigu ma fahmi karo laakiin haddii aad waqtigaa tashiilayso intaasi way ku kaafinaysaa.hawlo kale oo badan ayaad ku qaban kartaa 30 daqiiqo waa haddii aad si joogto ah u qabato hawshaas oo wax kale aanad soo dhex gelin. Si aad 30-kaaga daqiiqo oga biro dhaliso wax qabadkeeda keliya hal hawl oo keliya diirada saar.

Waqtiga ha dayacin Ilaaheey kuma dayacinee.

WQ: C/salaam M. Yaasiin